Xaashida macluumaadka bukaanka Eliquis ayaa lagu heli karaa 14 luqadood, weydiiso dhakhtarkaaga ama kalkaalisada.
Buug-yarahan bukaanka waxaa lagu heli karaa 14 luqadood oo kala duwan, weydiiso dhakhtarkaaga ama kalkaalisada.
Waxaa lagu siiyay buug-yarahan maxaa yeelay dhakhtarkaagu wuxuu kuu qoray Eliquis. Waxaa laga yaabaa inaad qabtid cudruka wadno garaaca aan caadiga ahayn, haddii ay sidaas tahayna waxaa laguu siiyay Eliquis inay yareeyso halista aad ugu jirto faaliga oo uu keeno cudruka wadno garaaca aan caadiga ahayn. Haddii kale, waxaad qabtaa xinjirowga dhiigga ee lugta ama sambabada, iyo haddii ay sidaas tahay waxaa laguu siiyay Eliquis si loo daweeyo xinjirowga dhiigga.
Buug-yarahan waxaad ka baran kartaa, waxyaabo ay kamid yihiin, wax ku saabsan, sababaha guud ee cudurkaaga, astaamaha ugu caansan, waxa aad sameyn karto si aad u yareyso halista ah inaad jirato iyo talo wax ku ool ah inta lagugu daaweynayo Eliquis.
Qaybta koowaad ee buug-yarahan waxay ku saabsan tahay CUDRKA WADNO GARAACA AAN CAADIGA AHAYN halka qaybta labaadna ay ka hadlaysa XINJIROWGA DHIIGGA EE LUGTA AMA SAMBABKA. Hub so inaad aqriso qaybta adiga ku khuseysa. Qaybta ugu dambeysa ee buug-yaraha waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabo khuseeya iyadoon la eegayn cudurka aad qabtid, yacni waxyaabaha ay tahay inaad maanka ku hayso markaad qaadanayso Eliquis.
Sidoo kale waa inaad aqrisaa xaashida macluumaadka bukaanka taasi oo laga heli karo baakadaada daawadaada. Waxaad sidoo kale tani ka heli kartaa www.fass.se.
Waxaad sidoo kale macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cudurkaaga, ku daaweynta Eliquis, agabyo talooyin wax ku ool ah iyo macluumaad ka heli doontaa www.eliquispatient.se.
Cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn waa cudur wadne oo ka dhigayo wadnahaaga inuu u garaacma si dhakhso ah oo aan isla socon. Dadka qaba cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn badankood ma dareemaan wax astaamo ah, laakiin dadka qaar ayaa dareemi kara wadne garaac dhakhso ah iyo / ama aan caadi ahayn. Dadka qaar waxay ku sifeeyaan inuu yahay “wadne rugleyn”. Astaamaha kale ee suurtogalka ah waxay noqon karaan:
daal
neefta oo kugu yaraato
xabad xanuun
dawakhsanaan
tamarta / firfircoonida jirka oo yaraato
Sababta saxda ah ee cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn ayaan si buuxda loo xaqiijin, laakiin halistu aad ugu jirto cudurka ayaa sii kordheyso inta aad sii weynaanayso, wuxuuna ku badan tahay dadka qaba dhibaatooyinka kale ee wadnaha.
Cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn, tusaale ahaan, wuxuu ku dhici karaa isagoo la xiriiro:
cadaadiska dhiigga ee sareeya
ciriiriga/xannibaadda xididdada dhiigga siiya wadnaha
wadno istaaga
cudurada wadnaha ee lagu dhasho ama qalliinka wadnaha kadib
cabista sigaarka
isticmaalka badan ee kafeega
isticmaalka badan ee khamriga
diiqad
hawlgabka wadnaha
soosaarka badan ee hoormoonka qanjirka tayroodhka (thyroid)
neefsashada oo istaagta xilliga hurdada (neefsashada oo joogsata inta hurdada lagu jiro)
cayilka xad dhaafka ah
Kala hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada waxa aad ka qaban karto qaab nololeedkaaga iyo cudurkaaga wadno garaaca aan caadiga ahayn.
Qabista cudurka wano garaaca aan caadiga ahayn uma baahna inay ahaato wax ku xadidayo, si kastaba ha noqotee, waxaad inta badan ku noolaan kartaa nolol dhammaystiran. . Dadku aad ayay ugu kala duwan yihiin inta jeer ee xanuunku uu qabto iyo inta ay dhan yihiin dhibaatooyinka ay kala kulmaan xanuunka. Dadka qaar wuxuu xanuunka qabtaa muddooyin ay dhowr sanado u dhaxeeyaan, halka qaar kalena laga yaabo inuu xanuunka qabto dhowr jeer usbuuciiba. Dadka qaar ma dareemaan, halka qaar kalena ay kala kulmaan raaxo-daro muuqata.
Wuxuu qofku dareemi karaa raaxo-daro aad u badan markuu cudurka wadno garaaca aan caadiga ahyn qabto, laakiin dadka intooda badan wax waxyeello ah uma geysto wadnahooda. Inta ay sii socota muddada aad qabto cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn, ayaa waxaa sii kordhayso halista ah in cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn uusan kaa bixin oo wadnahaaguna uusan ku soo laaban garaaca caadiga ah. Waxaad u baahan kartaa inaad muddo ku-meelgaar ah ama muddo dheer qaadato daawayn; daawayntaasi oo ka kooban dawooyin lagu caawinayo astaamaha ka dhasho garaaca wadnaha ee aan caadiga ahayn iyo daawooyin looga hortagayo xinjirowga dhiigga si loo yareeyo halista faaliga.
Cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn wuxuu qaban karaa qofku isagoo ah “qaybo” kala duwan kuwaasi oo soconaya dhowr daqiiqo illaa dhowr maalmood. Kani waxaa loogu yeeraa cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn oo leh qaybo kala duwan, taasi oo macnaheedu yahay cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn oo leh qabasho-qabasho. Waxaa sidoo kale oo jira cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn oo lagu tilmaami karo inuu yahay mid “isdaba joog ah” ama “joogto ah”, taasi oo macnaheedu yahay in cudurku joogto yahay.
Cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn waxaa keena unugyo sababa in wadne garaacaagu u shaqeeyo si qaldan. Tani waxay ka dhigan tahay in xubinka garaaca wadnaha ee dabiiciga ah uusan shaqeynayn oo uusan xakamayn karin garaaca wadnaha. Marka uu jiro cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn, labada qol ee sare ee wadnaha sifiican isuguma imaan karaan, sidaa darteedna dhiigga looma shubi karo si xoog leh oo la mid ah sidii hore. Qolalkaan wadnaha waxaa loogu yeeraa atria, waana sababta cudurka loogu magacaabo atrial fibrillation.
Cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn oo ay weheliyaan waxyaabo kaloo halis ah ayaa kordhiya halista faaliga. Tusaalooyinka waxyaabaha halista ah waa duqnimada, faalig hore, sonkorowga, cadaadiska dhiigga oo sareeyo, wadne istaag iyo cudurka qulqulka yar ee dhiigga wadnaha.
Maadaama aan dhiigga si sax ah looga saarin wadnaha, wuxuu ku uruuri karaa wadnaha wuxuuna noqon karaa xinjir, taasi oo ah ururuka dhiigga xinjiroobay. Haddii xinjirta ka baxo wadnaha ayna aado xidadaha dhiigga ee yaryar ee maskaxda, qulqulka dhiigga ayaa xannibmaya, waxayna keenaysaa istaroog / faalig.
Dadka qaba cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn waxay halis sare ugu jiraan istaroog marka la barbardhigo dadka aan qabin cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn.
Markaad leedahay weerarada cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn kuwaasi oo u muuqda inay kicisay sabab gaar ah, waxaad isku dayi kartaa inaad yareyso halista weerarada cudurka oo cusub adigoo ka fogaanaya waxyaabaha kicinayo. Tusaale ahaan, waxaad iska ilaalin kartaa cabista qamriga ama waxaad iskudayi kartaa inaad ka fogaato xaaladaha diiqada leh. Kala hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada waxa aad ka qaban karto qaab nololeedkaaga iyo cudurkaaga wadno garaaca aan caadiga ahayn.
Dad badankood suurtagal uma ahan inay wax ka qabtaan weerarada cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn, tusaale ahaan, maadaama ay bilaaban karaan markaad hurudo. Sameynta jimicsiga, cunista cunnooyinka dufanka yar iyo ka fogaanshaha sigaarka, ayaa yareynayo halista cudurrada wadnaha, taasi oo iyaduna yereyn karta halista cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn. Waxaa sidoo kale jira daawooyin kaa caawin kara yareynta tirada weerarada cudurka.
Faaligu wuxuu ku imaan karaa si lama filaan ah waxaadna u baahan tahay inaad dhaqso wax ka qabato. Halkan waxaa ah qaar kamid ah calaamadaha muhiimka ah ee astaamaha caanka ah;
Astaamaha kale waxaa ka mid noqon kara daciifnimo ama kabuubyo / curyaannimo ah hal dhinac oo jirka ah, aragga oo ka lumo ama aragga oo ka xumaada hal ama labada indhood, wareer, dhawakhsanaan ama xasilooni daro.Haddii aad aragto mid ka mid ah astaamahan – ha sugin – wac 911 isla markaaba.
Curyaanimada wajiga? Dhoola caddee oo muuji ilkaha. Qofku ma leeyahay waji aan sinnayn? Miyuu geeska afku soo laalaataa?
Daciifnimada gacanta? Gacmaha kor u qaad oo kor u hay muddo ah 10 ilbiriqsi. Miyuu qofku calaamadaha daciifnimada / curyaanimada ku leeyahay mid kamid ah gacmaha?
Dhibaatooyinka hadalka, akhriska ama fahamka hadalka? Dheh jumlada: “Cimiladu way wanaagsan tahay maanta”. Ma ku adag tahay qofka inuu helo ereyada, dhaho ereyada saxda ah ama miyuu hadalku fasiix ahayn?
Astaamuhu si lama filaan ah ayay ku imaan doonaan waana in si dhakhso ah loo daaweeya!
Kala hadal baaritaanka FAST qoyska iyo asxaabta si ay kaaga caawiyaan xaaladaha degdegga ah.
Kahortagayaasha xinjirowga waa daawooyin yareeya awooda xinjirowga dhiigga, taasi oo ka hortageysa sameynta xinjiraha dhiigga waxayna sidaas darteed yareyaan halista faaliga, iyo waxyaabo kale.
Dhakhtarkaagu wuxuu si taxaddar leh u qiimeeyay halista aad ugu jirta faaliga wuxuuna go’aansaday inuu kuu qoro daawada Eliquis. Eliquis waxay gacan ka geysataa kahortaga in xinjiraha dhiigga ay sameysmaan iyadoo xanibayso mid ka mid ah walxaha ku lug leh habka sameynta xinjiraha.
Ujeedada Eliquis waa in la yareeyo halista ah in uu kugu dhaco istaroog / faalig uu sababay cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn.
Had iyo jeer u qaado Eliquis sida uu kuugu qoray dhakhtarkaagu.
Eliquis waxaa had iyo jeer la qaataa 2 jeer maalintii, tusaale ahaan hal mar subaxdii iyo hal mar habeenkii. Isku day inaad kiniinnada qaadatid isla waqti maalin kasta. Waxaa fududaan karta inaad la qaadato waxyaabo kale oo maalinle kuu ah oo aad horey u haysato, kuwaasi oo aad caadiyan qabato laba jeer maalintii.
Qiyaasta caadiga ah ee Eliquis waa kiniini ah 5 mg oo la qaato laba jeer maalintii. (Kooxaha bukaanka qaarkood ayaa loo qori karaa 2.5 mg laba jeer maalintii).
Waa inaad ku liqdaa kiniinka Eliquis koob biyo ah. Waxaad liqi kartaa adiga oo wax cunay ama aan waxba cunin. Kiniiniga waa la jajabin karaa haddii liqidu kugu adag tahay.
Haddii loo baahdo, kiniiniyada Eliquis ayaa ka soo saari kartaa baakada waxaadna ku ridi kartaa sanduuqa kiniiniga.
Fadlan booqo www.eliquispatient.se si aad uga faa’iidaysato taageerada bukaanka. Taageerada bukaanku waxaa loogu talagalay inay kugu caawiso dhowr siyaabood si aad u fahamto cudurkaaga, aad u dareento in daaweyntaada ay baadqab kuu tahay iyo inay ku siiso aalado kala duwan oo kaa caawinaya inaad xasuusato qaadashada daawadaada.
Markaad qabtid xinjir dhiig ah, dhiigu ayaa wuxuu xinjir ku noqonayaa gudaha xididka dhiigga. Xinjirta dhiigu waxay sii adkeynayaa in dhiigga maro xididka dhiigga. Xinjir dhiig oo goor hore la ogaaday lana daaweeyay khatar ma aha badanaa, laakiin haddii ay weynaato waxay si weyn ah uga hortagi kartaa qulqulka dhiigga. Xinjiraha dhiigga waxay ku badan yihiin lugaha waxayna badanaa ka bilaabmaan xididada dhiigga ee mid kamid ah kubabka.
Haddii aad u malaynayso inaad qabtid xinjir dhiig, waa inaad isla markaaba daryeel caafimaad u raadsataa xarunta daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah, xarunta daryeelka degdegga ah ama qolka gurmadka.
kubka ayaa bararayo oo kululaanayo, mararka qaarkoodna wuxuu noqonayaa casaan ama midab doorsoon
waxaad dareemi kartaa in lugta culus tahay
lugaha ayaa xanuunayo, gaar ahaan marka la socdo oo la isticmaalayo muruqaha kubka
kubka ayaa xanuunayo oo damqanayo hadaad tuujiso
xididada dhiigga ee kor soo jiro ee lugta ayaa noqon kara kuwa aad muuqda oo aad xanuun ka dareento
waxaad dareemi kartaa qandho yar
Ad qabtid infekshin
Aad ka weyn tahay 65 sano jir
Aad leedahay uur
Aad si xad dhaaf ah u cayilan tahay
Aad sigaar cabtid
Aad qabto kaansar, gaar ahaan xilliga qalliinka ama haddii lagugu daaweeyo kimoterabi
Aad qabtid unugyada dhiigga oo si aan caadi ahayn u kordhay
Isticmaasho kiniiniyada ka hortagga uurka ama daawooyin kale ee leh kiimikada / hoormoonka estrogen
Aad fadhiday muddo dheer adigoon dhaqdhaqaaqin, tusaale ahaan xilliyada safarada diyaarada ee dhaadheer
Aadan dhaqdhaqaaqi karin, tusaale ahaan qalliin ka dib ama haddii lugta ama gacanta ay ku jirto shakaal
Xinjir dhiig oo goor hore la ogaaday lana daaweeyay badanaa ma aha mid khatar ah mana sababi doonto dhibaatooyin muddo dheer soconaya. Xinjir dhiig oo ku jirto xididdada dhinaca hoose ee lugta ee aan la daaweynin ayaa kori karta illaa heer uu qulqulka dhiigga si xun u saameysmo. Xaaladahaani waxay noqon karaan kuwo ay aad u dhib badan tahay in si wax ku ool ah loo daaweeyo waxaana marar dhif ah laga yaabaa inay u baahdaan faragelin qalliin. Xinjir dhiig oo ku jirta xididka dhiigga ayaa dherer ahaan noqon karta dhowr fuud. Xinjirta dhiigga ee noocan oo kale ah ee ku jirta kubka ayaa cabir ahaan kobci karta oo kamadambeystii gaari karta xididada bowdada iyo miskaha.
Xinjiraha dhiigga ee ku samaysma xididada lugaha ama miskaha ayaa fuqi kara oo raaci kara dhiigga waxayna ku dhegi karaan mid kamid ah sambabada ama labadaba. Dhibaatooyinka neefmareenka oo kedis ah, qufac ama duritaan aad ka dareento gudaha xabadka markii aad neefsanaysid ayaa waxay muujin karaan in xinjir dhiig ah ay dhiiggaaga u raacday sambabbada ayna ku dhegtay halkaa.
Waa muhiim inaad hesho daaweynta xinjirowga dhiiggaaga maadaama ay fuqi karto oo ay tagi karto sambabada, taasi oo u horseedi karta dhibaato xagga neefsashada ah.
Si looga hortago xinjirowga dhiigga ee lugaha, waxaa muhiim ah inaad lugahaaga dhaqdhaqaajiso inta ugu badan ee aad awoodo, xitaa haddii aad sariir saaran tahay ama aad in badan fadhido. Joojinta sigaar cabidda iyo iska ridida miisaanka jirka ayaa yareyn kara halista ah inaad yeelato xinjiraha dhiigga.
Xinjiraha dhiigga waa inuu daweeyaa dhakhtar waxaadna badanaa u baahan tahay inaad qaadato daawooyinka kahortaga xinjirowga. Daaweyntu waxay jirka ka caawisaa inuu kala furfuro xinjirta dhiigga ahsi markaa xididka dhiigga mar kale u furmo waxayna sidoo kalena yareynaysaa halista xinjiro dhiig oo cusub.
Haddii aad xinjir dhiig ah ku leedahay lugtaada, waa inaad mararka qaarkood isticmaashaa sigisyada kubeynta leh, markay daawaynta kugu socoto iyo kadibba.
Haddii aadan dhaqdhaqaaqin oo aadan isticmaalin kubabkaaga, wareegga dhiigga ee lugaha ayaa noqonayo mid gaabis ah, taasi oo sameynta xinjiraha dhiigga ka dhigaysa mid fudud. Ka fikir tan markii aad waqti badan ku qaadato fadhiga, tusaale ahaan, inta lagu jiro safarada diyaarada ee dhaadheer. Hal talo ayaa ah inaad sameysid jimicsiga ku istaaga suulasha oo aad xoogaa sosocotid markii aad fadhido in badan adigoon dhaqdhaqaaqin iyo markii aad wakhti dheeri fadhidid.
Xinjirowga dhiigga ee lugaha ama sambabada ayaa fududaan kara haddii awooda uu dhiigga ku xinjiroobayo ama ku kala furfurayo xinjiraha ay liidato. Waxyaabaha la kala dhaxalo ayaa door ka ciyaari kara tani.
Waa inaad had iyo jeer u qaadataa Eliquis sida uu kuugu qoray dhakhtarkaagu. Marka lagaa daaweynayo xinjirowga dhiigga ee lugta ama sambabka, waxay ugu badan tahay inaad u qaadatid kiniiniyadaada sida soo socota:
Habka UGU BADAN waa inaad qaadato LABA kiniini, midkiiba ah 5 mg, subaxdii iyo laba kaniini, midkiiba 5 mg ah, fiidkii muddo toddobo maalmood ah.
Kadibna waxaad nuseyn doontaa xaddiga kiniinnada oo waxaad qaadan doontaa HAL kaniini oo ah 5 mg subaxdii iyo fiidkii muddo ah ugu yaraan saddex bilood. Raac waxa dhakhtarkaagu ku amray.
Haddii xinjirowga dhiigga kugu soo noqnoqday, waxaad u baahan kartaa inaad qaadato daawadaada kahortaga xinjirowga dhiigga muddo dhowr sano ah. Ha u joojin qaadashada Eliquis adigoon marka hore lahadlin dhakhtarkaaga. Khatarta xinjirowga dhiigga ayaa laga yaabaa inay kororto haddii aad joojiso daaweynta goor hore. Waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan sida loo isticmaalo Eliquis xaashida macluumaadka bukaanka ee ku jirta baakadaada daawada ama www.fass.se.
Fadlan sidoo kale booqo www.eliquispatient.se. Waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Eliquis, aalado wax ku ool ah iyo jawaabaha su’aalaha badanaa la isweydiiyo.
Fadlan u sheeg dhakhtarkaaga ama kalkaalisada islamarkaaba haddii aad qaadatay in ka badan qiyaasta laguu qoray ee Eliquis. Ula imow baakada daawada dhakhtarkaaga, xitaa haddii aysan jirin kiniino haray. Haddii aad qaadato Eliquis ka badan intii lagugula taliyay waxaad si ku-meelgaar ah halis ugu jiri kartaa inaad dhiig-baxdo.
Haddii aad marayso qalliin, ama baaritaan lagu sameynayo unug jirkaaga laga gooyay ama lagaa daaweynayo ilkaha, u sheeg dhakhtarkaaga ama dhakhtarkaaga ilkaha inaad qaadanayso Eliquis. Waxaad u baahan kartaa inaad joojiso qaadashada Eliquis ama aad in muddo ah dhaafto.
Adeegso silsiladda Eliquis iyo kaarka jeebka. Way wanaagsan tahay inaad had iyo jeer haysato kuwani haddii aad shil gasho. Tus kaarka jeebka haddii aad u baahan tahay inaad aragto dhakhtar adigoo joogo dibadda wadanka iyo sidoo kale gudaha Iswiidhan.
Daawooyinka iyo kaabayaasha nafaqada qaar ayaa laga yaabaa inay farageliyaan saameynta kahortaga xinjirowga ee daawada Eliquis waxayna kordhin karaan halista dhiig-baxa ama waxay yereyn karaan waxtarka daawada. Waxaad liiska daawooyinka saameynta ku yeelan kara Eliquis oo dhammaystiran ka heli kartaa xaashida macluumaadka bukaanka ee ku jirta baakadda dawada.
Had iyo jeer u sheeg dhakhtarkaaga iyo dhakhtarka ilkaha dawooyinka aad qaadanaysid, oo ay ku jiraan dawooyinka dukaanka laga iibsado ee uusan dhakhtar qorin iyo dawooyinka dhirta ah (sida St. John’s Wart).
Waa inaadan qaadan Eliquis haddii aad uur leedahay, aad naas-nuujinayso, ama aad qabto cudur beerka ah ama cillad dhiig-bax, in dhakhtarkaagu kuu sheego si ka duwan mooyee kadib markuu isagu / iyadu helo macluumaad ku saabsan tani. Sidaa darteed xusuusnow inaad u sheegto dhakhtarkaaga haddii mid kamid ah kuwani ku khuseeyso.
Muddada daaweynta Eliquis way kala duwanaan kartaa; dadka qaar ayaa laga yaabaa inay u baahdaan inay qaataan muddo aan la cayimin. Waa inaad had iyo jeer raacdaa tilmaamaha dhakhtarkaaga oo aad sii wadaa qaadashada daawadaada illaa iyo inta dhakhtarkaagu kuu sheegay inaad sidaa sameyso.
HA JOOJIN QAADASHADA ELIQUIS ADIGOON MARKA HORE TANI KALA HADLIN DHAKHTARKAAGA!
Haddii aad ilowdo inaad qaadato qiyaasta Eliquis, waa inaad qaadataa kiniiniga islamarkaa aad soo xusuusato, kadibna qaado kiniiniga xiga ee Eliquis waqtigii caadiga ahaa kadibna u sii wad sidii caadiga ahayd. Haddii aad wax shaki ah qabtid, weydii dhakhtarkaaga ama qofka masuulka ka ah daawadaada.
Sida daawooyinka oo dhanba, Eliquis waxay sababi kartaa waxyeelo, in kasta oo uusan qof kasta qaadin.
Waxaad wax badan oo ku saabsan waxyeelada daawada ka akhrisan kartaa xaashida macluumaadka bukaanka ee ku jirta baakada daawadaada.
Sida daawooyinka kale ee la midka ahba (kahortagayaasha xinjirowga dhiigga), Eliquis waxay kordhin karaa halista dhiig-baxa, taasi oo u baahan karta daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Waxyeelada kale ee ka imaan kara daawada waa nabaro, dhiig ku jira kaadida (kaasi oo midabka kaadida ka dhigayo guduud khafiif ah ama guduud) ama goror. Lallabbo ayaa sidoo kale imaan karta. Haddii uu jiro dhiig-bax lama filaan ah, waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga ama kalkaalisada. U sheeg dhakhtarkaaga, farmashiistahaaga ama kalkaalisada haddii aad la kulanto wax ah waxyeellooyinka daawada, xitaa haddii aan lagu darin xaashida macluumaadka bukaanka ama buug-yarahan.
Had iyo jeer u sheeg dhakhtarkaaga iyo dhakhtarkaaga ilkaha inaad qaadanayso Eliquis. Haddii aad marayso qalliinka ilkaha ama uu qalliin/hab-raac kugu sameynayo dhakhtarkaaga ilkaha, had iyo jeer u sheeg inaad qaadanayso Eliquis, xaaladaha qaarkoodna waxaad, tusaale ahaan, u baahan kartaa inaad ka boodo qiyaasta qaadshada subaxdii ee Eliquis kahor hab-raaca ilkaha. Dhakhtarkaaga ilkaha ayaa kuu sheegi doona waxa la sameeyo.
Eliquis waxay saameeysaa awooda uu dhiigga ku xinjiroobayo, yacni inuu xinjir yeesho. Tani waa sababta aad mararka qaarkood u dhiig-bixi karto haddii aad qaadanayso daawo noocan ah. Waa wax iska caadi ah in laga yaabo in joogsiga dhiig-baxa nabarada iyo waxyaabaha la midka ah ay muddo dheer qaataan.
Wixii ah dhiig-baxa yar ee ka yimaada sanka, ciridka, mariinka nidaamka dheefshiidka iyo kaadida, la xiriir kalkaalisadaada/dhakhtarkaaga si aad talo uga hesho. Haddii aad dareento dawakhsanaan, suuxdin ama haddii aad si xoogan u dhiig baxeyso – islamarkaaba aad qolka gurmadka ee kuugu dhow ama wac 911.
Wixii ah xanuunada dhiig-baxa ee dhiifka ah laakiin aadka u daran, waxaa jirta dawo looga hortago Eliquis oo loo isticmaali karo in lagu baabi’iyo saameynta Eliquis – waxaa kaliya lagu isticmaalaa isbitaalada markay jiraan xaalado degdeg ah.
Markii laguu qoray Eliquis, waxaa laga yaabaa inaad heshay xirmada bilowga Eliquis “Eliquis Starter kit”. Xirmada bilowga waxaa ku jiro galka bukaanka iyo silsilad. Fadlan booqo www.eliquispatient.se si aad uga faa’iidaysato barnaamijka taageerada bukaanka ee Eliquis. Ujeedada barnaamijkan taageerada bukaanka ayaa ah in lagaa caawiso inaad fahamto cudurkaaga, inaad dareento in daaweyntaada ay baadqab kuu tahay ama inaad xasuusato inaad qaadato daawadaada. Haddii aadan helin xirmada bilowga ah, la xiriir kooxdaada daryeelka caafimaad si markaa ay kuu caawin karaan.
Isku darka hab-nololeed caafimaad leh iyo daawooyinka saxda ah ayaa kaa caawin doona inaad maareyso cudurkaaga ama aad daaweyso xinjirowga dhiiggaaga. Maskaxda ku hay arrimaha hab-nololeed ee soo socda iyo sida ay kuu saameyn karaan:
Cuntada: cun furuut / miro daray ah iyo khudaar faro badan. Iska yaree qaadashada hilibka leh dufanka badan oo ka fogow cunnada si xad dhaaf ah loo warshadeeyay ama cunooyinka la iibsado iyagoo diyaar si aad u xakamayso heerarka kolestaroolkaaga. Iska yaree xadiga cusbada si aad gacan uga geysato xakameynta cadaadiska dhiigga ee sare, tani oo ah arin kaloo, iyadoo ay jiraan waxyaabo kale, gacan ka geysan karta cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn.
Jimicsiga: waxqabadka jireed ee joogtada ah wuxuu caawiyaa xakamaynta miisaanka jireed iyo sidoo kale joogteynta aragti wanaagsan oo nolosha ku saabsan. La tasho dhakhtarkaaga / kalkaalisadaada kahor intaadan bilaabin nooc jimicsi ah, si markaa aad u ogaato inuusan jimicsigu halis kugu ahayn iyada oo ku saleysan xaaladdaada caafimaad.
Diiqada / Istireeska:: dadka diiqada qaba waxay u badan yihiin inay qaadaan cuduro qaar, sida cudurka wadno garaacaa aan caadiga ahayn. Iskuday inaad hesho siyaabo aad ku maareyn karto diiqadaada oo jimicsiga kamid ka dhig nolol maalmeedkaaga.
Miisaanka jireed: yareynta miisaanka jireed haddii aad si xad dhaaf ah u cayillan tahay waa muhiim. Kala hadal tani dhakhtarkaaga / kalkaalisadaada.
Neefsashada oo istaagto xilliga hurdada: maaraynta istaagista neefsashada ee xiliga hurdada (neefsashada oo joogsato inta lagu gudajiro hurdada) waxay saameyn wanaagsan ku yeelan kartaa cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn.
Qamriga: wuxuu kicin karaa cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn. Cab qiyaas qamri oo dhexdhexaad ah oo kala hadal dhakhtarkaaga / kalkaalisadaada haddii aad u baahan tahay inaad yareyso isticmaalkaaga qamriga.
Eliquis® waxay ka tirsan tahay koox daawooyin ah oo loo yaqaan kahortagayaasha xinjirowga dhiigga (dhiig khafiifiyeyaal). Daawadani waxay gacan ka geysan doontaa kahortaga inay xinjiraha dhiigga sameysmaan iyadoo xanibayso shayga loo yaqaan “Xa’ kaasi oo qayb muhiim u ah xinjirowga dhiigga. Shayga / walaxa daawaynta leh ee kujira daawada Eliquis® waxaa loo yaqaan apixaban. Eliquis® waxaa lagu heli karaa kiniinno xuub lagu duubay oo awooddoodu ay tahay 2.5 iyo 5 mg. Eliquis® waxaa lagu isticmaalaa dadka waaweyn: 1. Si looga hortago in xinjiraha dhiigga (xinjirowga dhiigga ee xididdada qotada dheer, DVT) ay sameysmaan kadib qalliinka misigta ama jilibka. 2. Si looga hortago in xinjiraha dhiigga ku sameysmaan wadnaha bukaanada qaba wadna garaac aan caadi ahayn (cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn) iyo ugu yaraan in laga hortago hal shay oo kale. Xinjiraha dhiigga way soo fuqi karaan oo waxay gaari karaan ilaa maskaxda halkaasi oo ay sababayaan faalig, ama waxay gaari karaan xubnaha kale oo waxay kahortagi karaan in dhiigga sidii caadiga ahayd u gaaro xubnahan. 3. Si loo daweeyo xinjirowga dhiigga ee xididdada lugta (xinjirowga dhiigga ee xididka qotada dheer) iyo xididdada dhiigga ee sambabka (xanibka halbowlaha sambabka) iyo si looga hortago in xinjirowga dhiigga ku soo laabto xididaha dhiigga ee lugta iyo / ama sambabada. Ha isticmaalin Eliquis®: haddii aad xasaasiyad ku leedahay apixaban ama maaddooyinka kale ee kujira daawadan ama haddii aad qabtid dhiig-bax socdo, haddii uu cudur kaa hayo xubin jirka ka mid ah kaasi soo kordhinayo halista dhiig-bax daran (sida boogta caloosha oo aad haddeer qabtid ama dhawaan kugu dhacday, dhiig-bax dhowaan kaaga dhacay maskaxda), haddii aad qabto cudur beerka ah oo horseedayo in halista dhiig-baxa ay kororto (xinjirowga beerka), haddii aad qaadanayso wax ah daawo looga hortago xinjirowga dhiigga (sida warfarin, rivaroxaban, dabigatran ama heparin), marka laga reebo markaad iska beddeleyso daaweynta dhiig khafiifiyeyaasha ama marka faleebo lagaa gelinayo xididka ama halbowlaha dhiigga oo aad helayso heparin si looga dhigo xididka mid furan ama haddii tuubo lagaa galiyo xididka dhiigga (gelinta kateetarka) si loo daaweeyo wadne garaac aan caadi ahayn (arrhythmia). La hadal dhakhtarkaaga, farmashiistaha ama kalkaalisadaada kahor intaadan qaadan daawadan: haddii aad qabto cudur kelyo daran ama lagugu sameynayo sifeynta kelyaha, haddii aad dhibaato ku qabtid beerkaaga ama aad horay u qabtay dhibaatooyin beerka ah, haddii uu kugu jiro kadinka wadnaha oo aan dabiici ahayn ama haddii aad ogtahay in aad qabtid cudur loo yaqaan anti-fosfipiplipid syndrome (cudurka nidaamka difaaca jirka, ee kordhiya halista ah inaad qaadid xinjirowga dhiigga). Si aad u hesho macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan Eliquis®, si taxadar leh u akhriso xaashida macluumaadka bukaanka ee la socoto baakada (sidoo kale eeg www.fass.se).
Bristol Myers Squibb, 08-704 71 00. Pfizer AB, 08-550 52 000.
Nooca 4-aad
432SE2012474-01, 432SE2001340-01 PP-ELI-SWE-1456 MAARSO 2020